Midowga Afrika iyo Jabuuti oo tababaraya Ciidanka DKMG

Nairobi: (Sh. M. Network) Ururk Midowaga Afrika ayaa sheegay in uu labo jiraabarayo tabarada uu u samaynayo ciidamada dowaladda KMG Soomaaliya gaar ahaan kuwa booliska si ay wax ugu qabtaan xaalada amaan ee dalka Soomaaliya.

Wafula Wamunyinyi, oo ah wakiilka madaxa nabad iyo amniga ee Ururka Midowga Afrika oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Nairobi ee Xarunta wadanka Kenya ayaa sheegay in Ururka ay ka go’antahay tababarida saraakiil katirsan ciidamada booliska dowaladda KMG Soomaaliya, waxaana uu intaasi ku daray Wafooloow in ciidamo gaaraya ilaa 8-boqol ay u tababari doonaan dowladda Soomaaliya.

“ Hadafka Ururka Midowga Afrika waa tababaridda ciidamada booliska ee dowaladda KMG Soomaaliya si ay wax ugu qabtaan xaaladaha adag ee ka jirta Soomaaliya, waxaa naga go’an inaan bar bar istaagno dowaladda KMG ee uu hogaamiyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed” ayuu yiri Wafula Wamunyinyi,

Dhinaca kale dowaladaha Jabuuti iyo Kenya ayaa si rasmi ah u shaaciyay in dalalkoodu lagu tababari doono 8-boqol ee Saraakiisha booliska ciidamada dowaladda iyagoo sheegay in Saraakiisha ay kaalin Mugleh ay ka cayaari doonaan soo celinta nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.

Ciidamo gaaraya 7-kun askari ayaa horay dowaladda KMG loogu soo tababaray wadamo dhowr ah oo Afrikaan ah oo ay ka mid yihiin Uganda, Kenya, Suudaan iyo wadamo kale iyadoo 8-daan boqol oo askari ay qeyb ka noqon doonaan ciidamada hore loogu tababaray dowladda KMG ee uu hogaamiyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

NALA SOO XARIIR Webmaster@shabelle.net

One Response to “Midowga Afrika iyo Jabuuti oo tababaraya Ciidanka DKMG”

Leave a Reply