Norway Faraha ha kala baxdo Badda Soomaaliya”: Saraakiishii Mileteriga Soomaaliya ee ku sugan Italy
Mashruuca uu wato mr. Salicath (Norway) ee uu ku sheegay in uu Soomaaliya u samaynayo cabbirka Aagga Ganacsiga Badda (Economic Zone) waa mid lagu waxyeelaynayo xasiloonida Geedka Afrika.
Saraakiishii Soomaaliyeed ee wax ku soo bartay Kulliyaddii Militariga ee Modena (Italy) oo warqad u diray Norway
Saraakiisu waxay warqadda ku hagaajiyeen:
- Ku: Safiirka Boqortooyada Norway – Roma
Og: Wasiirka Arrimaha Dibada ee Jamhuuriyadda Talyaaniga – Roma
Og: Wasiirka Arrimaha Dibadda Boqortooyada Norway – Oslo
Og: Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliya — Roma
Og: Xoghaynta Guud ee Ururka Carabta
Og: Dr. Ausitine Phili Mahiga (Ergeyga UN ee Soomaaliya)
UJEEDDO: Dhul-badeedka Soomaaliya
Saraakiishii hore ee Soomaaliya ee wax ku soo bartay Kulliyaddii Militariga ee Modena (Military Academy of Modena), haddana ku sugan dalka Talyaaniga ayaa qoraal u diray Safaaradda Boqortooyada Norway ay ku leedahay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga, qoraalkaas oo ay kaga soo horjeedaan faragelinta xubno ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Norway ee ku aadan dhul-badeedka Soomaaliya.
Saraakiisha Soomaaliyeed ayagoo si toos ah ula hadlayey safiirka Norway u fadhiya Roma, fartana ugu fiiqaya hadaladii sarkaal kale oo ah reer Norway, waxay yiraahdeed “Mr. Carl Peter Salicath oo ah sarkaal ka tirsan wasaaradda Arrimaha Dibadda waxa uu wadaa waa mashruuc WAALLI ah oo AAN LA AQBALI KARIN oo ku saabsan dhul badeedka Soomaaliya.”
Saraakiishu waxay Norway xasuusiyeen in gumaystayaashii Reer Yurub ay masuul ka ahaayeen kala qaybinta dhulka Soomaaliya, taas oo raad ku yeelatay xiriirka Soomaaliya la leedahay labada dal ee deriska la ah ee Kenya iyo Itoobiya. Waxayna xasuusiiyeen in kala qaybintaas hore aysan Norway shaqo ku lahayn, isla markaasna ay Norway abaal uga hayaan soo dhaweytii Soomaali farabadan muddadadii labataanka sano ahayd ee Soomaaliya uu ka socdey dagaalka ahliga ah.
Laakiin, waxayna si xooggan safiirka u xasuusiyeen in mashruuca uu wato mr. Salicath ee uu ku sheegay in uu Soomaaliya u samaynayo cabbirka Aagga Ganacsiga Badda (Economic Zone) in ay arrintaas u arkaan mid lagu waxyeelaynayo xasiloonida Geedka Afrika.
“Waxaan ku xusuusineynaa adiga, dadka reer Norway iyo dawladda Boqortoyada Norway, in Soomaaliya aysan hadda u baahnayn in xadayn xagga badda oo loo sameeyo. Soomaaliya hore ayey u cabirtay dhul-badeedka, taas oo dukumiintigii meel kasta yaal. Dukumiintigaas oo waafaqsan sharicyada iyo qaanuunka caalamiga ah,” ayey qormadooda ku xuseen saraakiishii Militarigii hore ee Soomaaliya.
Waxayna intaas raaciyeen ayagoo Norway u sheegay in cabbirka badda Soomaaliya uu ku xusan yahay xeerka Law No. 37 oo dawladdii hore ee Soomaaliya dhaqan gelisay September 10, 1972. Waxayna markaas saraakiisu qoreen qodobadda xeerkaas ka kooban yahay. (Kaas oo ku daabacan website Qarammada Midoobey).
- Law No. 37: Waxa uu ka kooban yahay 20 qodob, waxaana laga daalacan karaa HALKAN
Waxayna markaas safiirka Norway u sheegeen in Soomaaliya xilligan aysan geli karin xeer caalami ah oo wax u dhimaya xornimada dalka, ayagoo yiri “Waxa aan ku xasuusineynaa in xalladda Soomaaliya hadda ka jirta, xag siyaasad iyo bulsho darteed aysan u ogolaanayn in Dawladda kumeelgaarka ah aysan geli karin heshiis caalami ah oo raad ku yeelanaya xornimada iyo wada-jirka Dhulka Soomaaliya.”
Qormada saraakiisha Soomaaliyeed waxay ku soo gabagabeeyeen in muwaadiniinta Soomaaliyeed aysan qaadanayn gabood falka iyo caddaalad darrada. Waxayna Safiirka Norway xasuusiyeen in Boqortooyada Norway shacabkeedu yahay kuwo nabadda jecel. Sidaas daraadeed, waxayna ugu baaqeen Norway in Mr. Carl Peter Salicath uu faraha kala baxo mashruuca (Badda Soomaaliya) ee aan ujeedadiisa la garanayn. Islamarkaasna saraakiisu waxay sheegeen in Jaaliyadaha Soomaaliyeed ay arrimahaas indhaha ku hayaan oo la socdaan.
Sida kor ku xusan saraakiishu waxa kale oo warqaddaas nuqulkeeda ay u direen: Wasiirka Arrimaha Dibada ee Jamhuuriyadda Talyaaniga, Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ku leedahay Roma, Xoghaynta Guud ee Ururka Carabta iyo Ergeyga gaarka ah Qarammada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.
Qoraalka Saraakiisha waxaa u saxiixay Dr. Macow Mahad oo ah madaxa ururka saraakiisha “Association of Alumni Officers Somali Military Academy of Modena”
Waxaana lagala xiriiri karaa email: ufficialisomalimodena@yahoo.it
Warqadda Saraakiishu u direen Norway oo ku qoran Talyaani ka AKHRI HALKAN http://www.somalitalk.com/2011/badda/difaac3.html
http://www.somalitalk.com/2011/badda/acque_territoriali_somali.pdf
ayado english ku qoran.
AREZZO, November 29, 2010
SUBJECT: Somalia’s territorial waters
S.E AMBASSADOR TO THE KINGDOM OF NORWAY
ROME
e., pc, THE MINISTER FOR FOREIGN AFFAIRS OF THE ITALIAN REPUBLIC
ROME
e., pc, THE ROYAL MINISTRY OF FOREIGN AFFAIRES OF THE KINGDOM OF NORWAY
OSLO
e., p.c the Embassy of the Somali Republic
ROME
e., the surface level, THE SECRETARY GENERAL OF THE ARAB LEAGUE
e., p.c, Al Dr.AUGUSTINE PHILIP MAHIGA
Your Excellency
Mr. Ambassador of the Kingdom of Norway, are the Architect SCEC Aues Mao ‘Mahad, nationality’ Somali and Italian citizenship, I am writing in behalf of ‘Alumni Association Somali officers of the Military Academy of Modena non-profit organization, of which I am privileged to be President and Legal Representative.
I turn to you in your capacity as’ Ambassador of the Kingdom of Norway on the Italian territory and, while countryman of Mr. CARL PETER SALICATH, officials of your Ministry of Foreign Affairs and author of a related project INSANE AND UNACCEPTABLE Somali territorial waters.
Your Excellency, Sicuaramente she knows how much damage and suffering have created the European colonialism against the Somali people, the deliberate and arbitrary division of the territory of Somalia has adversely affected the relations of good neighborliness and cooperation with the peoples and governments of Kenya and Ethiopia . His government has nothing to do with colonialism of the past, and we must be grateful to you for the help provided to the Somali population exhausted by twenty years of civil war, at the mercy of factions warmongering for nothing ‘part, and thank you also for the warm welcome and humanitarian services provided to our compatriots who sought refuges in the Kingdom of Norway (many of them are now also your fellow citizens).
Sir,
the project of his compatriot Carl Peter Salicath inherent in the creation of an “Economic Zone Waters” in Somalia’s territorial waters, we see it, the point and the MONITOR for what is’: a further factor of destabilization of the Horn of Africa.
Your Excellency Sir,
I seem to remember you, and through his kind people, the Government of the Kingdom of Norway, that Somalia has no need for demarcation of the border NEW NAVY / SEA WITH neighboring countries such as demarcation and ‘ALREADY’ AND EXISTING and ‘proved by official documents easily available, as long as’ there is the will’ of research. It ‘just follow the various deliberations of the legitimate Somali government in the past regarding the “Exclusive Economic Zone” in accordance with law and in accordance with international law on territorial waters and international waters.
In this regard, allow me, Excellency, to summarize briefly below shows how the Law No 37 on the marine territory and ports of September 10, 1972.
Article 1) The territorial sea
Art 2) Measurement of the territorial sea
Article 3) Territorial sea for islands and Archipelagos
Article 4) Internal Waters and Maritime Ports
Article 5) Fishing and coastal navigation
Article 6) Innocent passage through the territorial sea
Art 7) Meaning of innocent passage
Art
Limits of innocent passage
Art 9) Prohibited passage
Art 10) warships
Art 11) Respect of Laws in the Somali territorial sea
Art 12) Entering into internal waters
Art 13) Defence zones
Art 14) Service charges for services rendered
Art 15) Criminal Jurisdiction on foreign ships
Article 16) Civil Jurisdiction of foreign ships
Art 17) Government ships
Art 18) Arrest of vessels by Authorities
Article 19) Any provision Contrary to this Law or consistent with it hereby is abrogated
Art 20) Entry into force of this Law.
I would like to bring to your kind attention the fact that the current situation, political and social, in our country does not allow anybody Somalia’s provisional government to make agreements at the international level which have tragic effects on sovereignty ‘and integrity’ Somalia’s territorial Somalis as citizens we can not accept, silent and share responsibility, that we continue to perpetrate injustice after injustice, give up the damage, exploitation for exploitation, underdevelopment underdevelopment of our population.
We consider the Kingdom of Norway and its people as friends and lovers of peace,
progress, social and economic justice, mutual understanding between peoples.
The community ‘of the Somali Diaspora following the project with apprehension and suspicion of Mr Salicath, and hopes to be abandoned in its entirety as your compatriot is leading
forward to the detriment of our people and in favor of hidden interests that currently there
escape.
I offer my most ‘best regards
Dr. Arch SCEC Aues Mao ‘Mahad
Contact: ufficialisomalimodena@yahoo.it
CC:
emb.rome @ mfa.no Norway Embassy
gabinetto@cert.esteri.it, Ministry of Foreign Affairs
tzny@tanzania-un.org Dr. Philip Augustine Mahiga
: Post@mfa.no (Royal Ministry of Foreign Affaires NORWAY)
somalrep@gmail.com Somali Embassy Rome
webmaster@arab.de Arab League

Hello…
My life,vist it http://glowindia.com/juhuacha/mario-bros-wedding-cake-topper ,Thanks….
Hello…
My life,vist it http://juhuadress.mosaicglobe.com/page/32961 ,Thanks….
Hello…
My life,vist it http://pavlikl.visualsociety.com/ ,Thanks….