Jubbada Dhexe oo biyo dhaamin laga bilaabey iyadoo abarta ay si xun u saameysay
Maamulka xarakada alshabaab ee degmada bu’aale ayaa howlo biyo dhaamin ah ka bilaabay degmadaasi bu’aale kuwaas oo la gaarsiinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool gobolka J/dhexe.
Gudoomiyaha degmada bu’aale Sheekh Ceynaanshe oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in degmada bu’aale iyo degmooyinka kale ee gobolka j/dhexe ay kusoo qaxeen dad fara badan oo ay abaaruhu saameeyeen, waxaana uu sheegay in dadku ay daadsanyihiin wadooyinka iyagoo la socon waayay oon iyo gaajo.
Sheekh Ceynaanshe ayaa sheegay in ay maalmahan bilaabeen howlo dhaamin ah oo loogu gurmanayo dadkaasi ay abaaruhu saameeyeen oo uu sheegay in ay heysato xaalad nololeed oo aad u adag, waxaana uu sheegay in ay maalin walba gaarsiiyaan ilaa 4 booyadood oo biyo ah.
Gobolka J/dhexe waxa uu kamid yahay gobollada dalka Soomaaliya ee ay sida ba’an u saameeyeen abaaraha, waxaana abaarahani ay galaafteen nolosha dad iyo duunyo fara badan, ilaa iyo imikana dadkii xoolo dhaqatada ahaa ee ku noolaa miyiga waxa ay soo beegsanayaan degmooyinka waaweyn si ay uga haleen biyo iyo baad maadaama ay xoolahoodii la lee’anayaan abaaraha dabada dheeraaday ee ku dhuftay gobollada dalka Soomaaliya.
Ma ahan oo keliya gobolka j/dhexe gobollada ay saameeyeen abaaraha, haseyeeshee abaarahani ayaa ah kuwo saameeyay guud ahaanba gobollada dalka Soomaaliya, dadka xoolo dhaqatada ah ayaa iyagu ah kuwo aan marnaba ka quusan deeqda rabi waxaana ay mar walba ilaah ka filayaan in uu siiyo raxamadiisa, iyagoo sameynaya isu soo baxyo ay Alle kaga dalbanayaan in uu siiyo roob.
kismaayo jama yare
