Raysalwasaare Farmaajo oo Kusoo Noqday Muqdisho Iyo Golaha wasiirada uu oga waramey balanqadka talyaaniga
Raysalwasaare Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya. Wefdi u hogaaminaayo Raysalwasaaraha ayaa ka degay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho,waxaana ay soo gaba gabeyeen safar qaatay maalmo ay ku tageen dalka dibadiisa.
Raysalwasaare Farmaajo iyo wefdigiisa ayaa mudo 15-maalmood ka maqnaa dalka,waxaana ay tageen dalalka Maraykanka,Talyaaniga iyo Imaaratka Carabta.
Safarka oo ay ku hormareen dalka Maraykanka ayaa waxaa ay magaalada New York kaga qaybgaleen shir looga hadlaayay xaaladda Soomaaliya oo uu Raysalwasaaruhu ka jeediyey khudbad ku aadan xaaladda dalka,wuxuu sidoo kale soo maray dalka Talyaaniga halkaas uu kusoo kulmay madaxda dalkaasi.
Raysalwasaaraha ayaa kulan la qaatay Raysalwasaaraha Talyaaniga Silvio Berlusconi oo uu kala hadlay sidii loo taageeri lahaa Xukuumadiisa. Iyo talyaaniga oo balan qaadey hub iyo saanad ciidan oo deg deg ah inuu siin doona dowlada, iyo inuu sidoo kale bilaabay siyaasad adag oo uu ka dhex wadi dooni wadamada EU iyo reer galbeedka si nabadwaarta loogu soo dabaalo Somalia
Xukuumada Farmaajo ayaa waxaa uga harsan qorshihi 100-ka maalmood mudo 30-cishood taas oo ay sheegtay in ay wax kaga qaban doonto xaaladda amni ee dalka,mana jirto wax horumar ah oo ay ka sameysay dhanka qorshahaas.
