Madaxweynihii dalka Masar Xusni Mubaarak oo is casilay Iyo hantidiisi oo la xayiray
Madaxweynaha dalka Masar Xusni Mubaarak ayaa saacadihiii lasoo dhaafay iska casilay xilka Madaxweynenimo ee dalkaasi, kadib markii banaanbaxyo ka dhan Madaxweynahaasi todobaadyadii u dambeeyay ay ka dhacayeen dalka Masar.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Masar Cumar Salaymaan ayaa shaaca ka qaaday in uu is casilay Madaxweynaha dalka Masar ee Xusni Mubaaarak oo mudooyinkii dambe dibadbaxyo ka dhan ah ka dhacay magaalooyinka waawayn ee dalkaasi.
Madaxweyne Xusni Mubaakar ayaa la tilmaamay in uu iminka ku sugan yahay magaalada Shirmasheekh ee dalkaasi, waxaana arintaasi la sheegay inay ka dambeysay kadib markii Madaxweynaha dalkaasi ay si wayn ugu soo horjeesteen kumaam kun oo ah shacbiga dalka Masar.
Ciidamada Milatariga ee dalka Masar ayaa la sheegay inay bandowgii ka qaadeen magaalooyinka waawayn ee dalkaasi oo mudooyinkii dambe ay ka socdeen rabshado ka dhan ahaa Madaxweyne Xusni Mubaarak oo inta badan shacabka Masar ay kasoo horeedeen Xukunkiisa.
Dadweyne aad u farabadan ayaa waxaa ay isugu soo baxeen goobaha ay sida aadka ah mudaaharaadyada ugu dhacayeen gaar ahaan fagaaraha Taxriir oo maalmihii u dambeeyay ay ka taagnaayeen qas iyo jahwareer ka dhan ahaa Madaxweyne Xusni Mubaarak oo doonaayay in xilka dalkaasi uu iska sii haysto.
Madaxweyne Xusni Mubaarak ayaa la sheegay in xilkaasi uu haayay mudo 30-sano ah, waxaana la tilmaamay in doorasho waliba oo lagu qabto dalkaasi uu ku guulaysanayay, iyadoo banaanbaxyo rabshado wata kadib uu go’aansaday Madaxweyne Xusni in uu iska baneeyo xilkaasi maadama uu ku jahwareeray sida uu ugu qanci lahaa shacabka in u xilkaasi isaga dagayo mudadii uu qabsaday.
Dhamaan dadkii kasoo horjeestay Madaxweyne Xusni Mubaakar ayaa caawa waxaa ay isug soo baxeen fagaarooyinka waawayn ee ku yaala magaalooyinka dalka Masar, waxaana shacabka reer Masar intooda badan caawa ay yihiin kuwa aad ugu faraxsan, madaama xilkii uu si caro leh ugu dagay Madaxweyne Xusni Mubaarak.
ABCTV ayaa sheegay in Dawladda Maraykanku ay ABCNEWS u sheegtay in qoyska Xusni Mubaarak ay bangiyo shisheeye ku shubteen lacag lagu qiyaasay 1 ilaa 5 BILLION oo doolar. Waxaana Saacaddo markii ay ka soo wareegtay is casilaadii Mubaarak ay Dawladda Swiss xanibaad saartay koontoyinkii bangiyada Swiss ee lacagtu ugu kaydsanayd Mubaarak iyo inta musuqmaasuqa jaalka kula ahayd.
Telefishanku waxa uu soo bandhigay sawiro muujinaya noloshii ka badbadiska ahaa ee uu u noolaa Mubaarak iyo qasriyada uu ku lahaa magaalada xeebta ah ee dalxiiska ee Sharm el-Sheikh iyo guriga ay ku baxday malaayiinta doolar ee ku yaal London oo uu ku qoran yahay magaca wiilkiisa Gamal Mubarak.ABC TV oo baarintaan ku sameeyey qaabkii ay u noolaayeen qoyska Mubaarak ayaa tibaaxay in ay ahayd hab ka badbadis ah, ayagoo u nolaa sidii boqortooyo, halka shacabka reer Masar ee caadiga ah uu qofkii ku nool yahay maalintiiba 2 doolar.
Dukumiintu uu helay TV-ga ABC ayaa muujinayey, sida Telefishanku sheegay, in dawladda Maraykanku ay ku caawintay intii uu xilka hayayey Mubaraaka lacag gaareysa $335 million oo uu ku iibsaday sagaal diyaaradaha lagu dalxiiso oo khaas u ah madaxweynaha Masar. Waxaana TV-gu sheegay in Mubaarak uu lacagta jeebka ku shubto ay soo bilaabatay xilligii uu ciidanka ahaa oo uu dalka xukumayey Anwar Saadaat.
Sawir Mubaarak iyo qoyskiisaMubaarak xilligii uu madaxweynaha ahaa waxa uu xaqiijiyey in shirkad kasta oo dalka Masar imanaysa ay shardi tahay in ay soo marto wiilkiisa Gamaal, ayuu yiri ABCtv. Wiilka iyo aabahiisna waxay jaal ku ahaayeen in ay la macaamilaan dhammaan shirkadaha imanaya dalka masar oo ayagu toos ula xaajoodaan sidaasna ay ku urursadeen lacago aad u xad dhaaf ah.
Guriga dabaqyada ah ee London, kuna qoran magaca wiilka uu dhalay Mubaarak, wiilkaas oo ah kii uu u diyaarinayey in uu xilka kala wareego ka hor kacdoonkii shacab. TV-gu waxa uu sheegay in dawladaha Maraykanka iyo Britain in aysan jawaab ka bixin waxa laga yeelayo maalka Mubaarak uu ku leeyahay dalalkooda. Laakiin koox qareeno reer Masar ah iyo kuxigeen hore ee Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa waxay dalbadeen in Xusni Mubaarak iyo qoyskiisa maxkamad lagu saaro dalka Masar xatooyadii ay dhaceen hantida qaranka Masar awgeed. Hantida loo malaynayno qoyska Mubaarak in ay qaateena waxay u dhaxaysaa qiyaastii 1 ilaa 5 Billion oo doolar.Xusni Mubaarak waxa uu madaxweyne ka ahaa Masar intii u dhaxaysay 14 October 1981 ilaa 11 February 2011 markaas oo is-casilay kaddib kacdoon shacab oo socdey 18 maalmood oo ay shacabku dhinacna uga dhaqaaqi waayeen barxadda xorriyada ee faras-magaalaha Qaahira. Shacabka ayaa kacdoonkaas sameeyey kaddib markii ay u dul qaadan waayeen gacanta birta ah iyo caddaalad darrada Mubaarak uu dalkaas ku maamulayey 30 sano.
Isha: ABCNews, Feb 11, 2011 | Daawo
Waa kuma Madaxwayne Xusni Mubaarak, Maxaase ka Taqaan Taarikhiisa?
Madaxwaynihii dalka Masar xukumayay 30-kii sano ee ugu danbeeyay ee Jimco February 11, 2011 isaga tagay Xilka Madaxtinimo ayaan jecleestay in aan aqristayaasha la wadaago nolashisa oo kooban inkastoo qoraal iyo wax la mid ah aan lagu soo koobi Karin taariikhda Xusni Mubaarak.
Magaciisa oo dhameestiran waa Maxamed Xusni Mubaarak wuxuu ku dhashay deegaanka Kafr-El Meselha ee ku yaala Waqooyi dalka Masar sanadkii 1928 waana 82 sano jir.
Waxbarashadiisa.
Kadib markii uu dhameeyay Dusigisa sare wuxuu ku biiray Egyptian Military Academy oo uu shahaaqada Bachelor’s degree ka qaatay isagoo bartay Military Sciences sanadkii 1949, Xusni Mubarak kadib wuxuu ku biiray Air Force Academy isagoo sanadki 1950-kii noqday Duuliye, sidoo kalle Xusni Mubaarak wuxuu wax barasho dheerad ah oo dhanka Ciidanka ku soo qaatay Midowgii soviet (Dalka Ruusha).
Shaqooyinka uu soo qabtay kahor inta uusan Madaxwayne noqon.?
Shaqooyinka uu Xusni Mubaarak soo qabtay waxaa ka mid ah.
1-1950 Waxaa loo doortay in uu noqdo Taliyada Ciidamada Cirka ee Magaaladda Cariisha ee ah caasimada Gobalka Siinaa,
2-Dagaalkii la magac baxay Dagaalkii October ee Masar iyo Suuriye oo isku dhinac ah iyo Yuhuuda ee sanadkii 1973 wuxuu ahaa Taliyaha Ciimadda Cirka ee dagaalkaas qeyb weyn ka qaatay.
3-Madaxwayne Anwar Saadaat ayaa sanadkii 1975 u doortay in uu noqdo Madaxwayne ku xigeenkiisa iyadoo intii u dhaxesay Sanadihii 1975-1981 uu ahaa Madaxwayne ku xigeenka dalka Masar.
4-Markii uu Anwar Saadaat Madaxwaynihi hore ee Masar uu sanadkii 1978 aas aasay Xisbiga Wadaniga Dimoqraadiga ee dalka Masar wuxu Gudoomiye ku xigeen u doortay Xusni Mubaarak, iyadoo Xisbigan oo dalka wax badan xukumayay!
Xusni Mubaarak iyo Madaxtinimada dalka Masar!
Sanadkii 1981 markii toogasho lagu dilay Madaxwane Anwar Saadaat waxaa xilka Madaxtinimo ee dalka Masar la wareegay Madaxwayne Xusni Mubaarak oo ahaa Madaxwayne ku xigeenka dalka.
Xusni mubaarak wuxuu dalka Masar Xukumayay 30 sano iyadoo xilkiisa uu ugu ekaa bisha September,2011 dad badana ay aaminsanaayeen in uu xilka wiilkiisa ku wareejin doono.
Dowladda Masar oo mudo badan sharciga Xaaladda dag-daga ah ku jirtay “Emergency law” ayaa intii uu Xusni Mubaarak ahaa Madaxwaynaha waxaa dhibaato loogu geestay Shacabka dalka Masar oo ugu danbeyntii Banaanbaxdo socday 18 Maalin sababtay in uu Madaxwayne Xusni Mubaarak isaga tago xilka Madaxwaynaha.
Xusni Mubaarak intuu ii ahaa Madaxwaynaha dalka Masar wuxuu reer galbeedka ka caawiyay Duulaankii Dalka Iraq ee sanadkiii 1991 iyo Dulaankii labaad ee sanadkii 2003 sababay in Dowladda Mareekanka iyo Xulafo ay Hogaamiso ay qabsadaan dalka Iraq halkaasna uu Xukunkii Madaxwayne Sadam ku dhamaaday.
Yuhuuda hadii aysan taageero ka heeysan Xukuumadii Xusni Mubaarak dhibaato ma aysan u geesan laheyn Haweyn-ka, caruurta iyo guud ahaan Shacabka dhibaateeysan ee Falastiin.
Waxa loogu yeero Dib u heshiisiinta Carab iyo Yuhuuda ayuu kaalin Muhiiim ah ka ciyaaray oo wuxuu dhameestiray Heshiiski qabyadda ahaa ee Madaxwayne Anwar uu bilaabay.
Shacabka Masar iyo Xusni Mubaarak.
Shacabka Masar woo tiro ahaan gaaraya 80 Milyan ayaa dhibaato ku qabay horumar la’aanta Xukuumadii Madaxwayne Xusni Mubaarak, shacabka Masar oo u badan Dhalinyaro ayaa shaqo la’aan, Caafimaad la’aan iyo dhibaatooyin kalle ay soo wajaheen.
Dhalinyaradda iyo guud ahan Shacbka Masar ayaa muujiyay karti iyo dulqaad kadib markii ay mudo 18 Maalin ay banaanbaxyo aan kala go’in ay ka dhigeen guud ahaan dalka Masar gaar ahaan Magaalooyinka Qaahiro iyo Alexandria.
Xusni Mubaarak oo 82 jir ah ayaa hantida uu heesto lagu qiyaasay in ay gaareeyso $70 Billion iyadoo dalal badan oo reer Galbeed ah ay u taalo hanta fara badan.
Xusni Mubaarak marka uu xilka ku wareejiyay Ciidanka qalabka ayuu u duulay Guri weyn uu ku leeyahay Magaaladda Siinaa ee dalxiiska loo tago.!
Xusni Mubaarak ayaa raacay Wadaadii uu maray Madaxwaynihi hore ee Dalka Tunisia, dalalka xigana waa la arki doonaa iyadoo Beriga dhexe maalmahan siyaasadiisa ay kacsantahay.!


Hi…
http://www.webcamgirls4.com/...