Max’ed Dheere:Barlamanka way ku fadeexad waqti kordhintii

 Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Max’ed ayaa waxaa uu sheegay in barlamanka KMG Soomaaliya uu ku ceeboobeen waqtigii ay kororsadeen, isagoo sheegay in beesha caalamka ay maal galiso Hay’adaha dowliga ah ee dowladda KMG.

Max’ed Cumar Xabeeb Max’ed Dheere oo haatan ka mid ah siyaasiyiinta kusugan magaalada Muqdisho oo waraysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa uu ka hadlay waqti kordhintii Mudanayaasha barlamanka ay samaysteen taasi oo uu ku tilmaamay in Xildhibaanada ay ku ceeboobeen go’aankaasi.

Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Max’ed Cumar Xabeeb Max’ed Dheere ayaa tilmaamay in barlamanka Soomaaliya uu shaqaynayay mudo labo sano ah ilaa iyo haddana uu san jirin wax qabad buuxa oo ku aadan dalka, isagoo sheegay in 3-da sano dheeraadka ah ee lagu kordhiyay barlamanka aysan waxba ku qabanayn maadaama sida uu tibaaxay muushin kasta ay Xildhibaanada ka doodayaan ay isku dagaalaan.

Max’ed Dheere ayaa sidoo kale ugu baaqay Madaxweyne Shariif, Ra’iisul wasaara iyo gudoomiyaha barlamanka Shariif Xasan in ay kusoo baxaan go’aankan ay gaareen Mudanayaasha barlamanka si hoosana ay ugu tashtaan arinta ku aadan waqti kordhinta barlamanka.

Max’ed Cumar Xabeeb Max’ed Dheere ayaa ugu dambeyntii waxaa uu sheegay in Xildhibaanada barlamanka ee kasoo horjeeda go’aanka beesha caalamka ay ka qaadatay waqti kordhinta barlamanka ayaa tahay in yihiin dad iska hadlay islamarkaana aysan socon karin la’aanta beesha caalamka oo uu tilmaamay inay maalgaliso Hay’adaha kala duwan ee dowladda KMG Soomaaliya.

Barlamanka KMG Soomaaliya oo waqtigiisii ku kordhistay mudo 3-sano oo dheeraad ah ayaa waxaa go’aanadaasi kasoo horjeystay qeybaha kala duwan ee bulshada qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo beesha caalamka kuwaasi oo dhamaantooda ku tilmaamay in go’aankaasi uu ahaa mid hal dhinacle ah oo lagu fududaaday.

Leave a Reply